3 mins read

7 QODOB Xuska Alle

Xuska Alle alle hadii aad xusto qalbigaada waa u xasilayaa

Lena Larsen waxay in badan ku mashquulsanayd in ay raadiso meel ay nafteedu ku xasisho oo ay ka hesho Degganaansho iyo raaxo aan dhamaaneynin. Waxa ay ku noolayd nolol ciriiri ah oo aan haba yaraatee wax farxad ah Lahayn. Meel kasta iyo goor kasta waxa ay raadinaysay nolol dhaanta midka ay ku jirtay oo markaasi ahayd nolol Walbahaar iyo ciriiri nafsaani ah. Waxa ay ku noolayd waddanka Norway oo ay asal ahaan ka soo jeeddo. Muddo badan Ayay aadi jirtay dhakhaatiirta cilmiga nafsiga ah si ay daawo u helaan nolosheeda. Waxba iskama baddeli jirin wax kasta oo daawo iyo talo ah oo ay siinayeen dhakhaatiirteeda gaarka ah.

Lena oo wax laga wayddiiyay wakhtigaas sida ay ugu qanacday diinta islaamka ayaa ku jawaabtay: “haweenay aan deris ahayn ayaa waxa ay ka shaqayn jirtay arrimaha gargaarka dadka. Aad bay u faraxsanayd. Waxa ay wakhtigeeda ku qaadan jirtay arrimaha bulshada ah gaar ahaan jaaliyadda islaamka ee Norway. Waxaan la yaabi jiray xiriirka wanaagsan ee ay bulshada la leedahay. Waxaan ku dhahay maalin maalmaha ka mid ah: waa maxay waxa kugu qasbaya in aad ficilladan khayrka ah ka shaqayso? Waxa ay iigu jawaabtay: diintayda ayaa igu waanisay in aan sidan sameeyo. Intaa kadib ayaan go’aan ku gaaray in aan barto oo aan baaritaan ku sameeyo islaamka.

Waxaan ku dhawaaqay in aan rumeeyey Allah iyo rasuulkiisa. Waxaan bartay oo aan si wanaagsan u diyaariyay qur’aanka kariimka ah. Waxaan badiyay Xuska Alle. “Waxaan helay xasillooni iyo nolol macaan oo aanan weligay helin, intii ka horraysay”.

Lena waxa ay nolosheedii ku dambaysay in ay ku waarto nolol tan ugu macaan uguna degganaansho badan. Waxa ay wakhtigan ku nooshahay waddanka Norwey waana gabar daaci ah oo diinta islaamka faafisa.

Table of Contents

Xuska Alle

Xuska Alle

Qof walba raadinaya degganaansho iyo raax. 53/134eed oo aannan dhammaanaynin waxa lagu helaa waa Xuska Allaah, sida uu Alle Qur’aankiisa ku leeyahay: “Kuwa rumeeyay xaqa kuna xasishay quluubtoodu xuska Alle, xuska Alle ayay ku xasishaa quluubtu”.

Xuska Alle ayaa Quluubta ku xasishaa, badi dikriga Allaah si uu qalbigaaga u dego, nafsadaada u faraxdo, waa furaha farxada ee Alle na siiyay! Marwalba aad xusaysid Allaah oo aad ammaanaysid oo aad dhehaysid.

  • Subhanalaah
  • Alxmudilulaah
  • laa ilaha illallah
  • Allaahu Akbar
  • Laa Xawla wa laa quwwata illa billaah
  • Xasbunallah wanicmal wakiil
  • Subhanallahi wa bixamdihi subxanallahil Cadiim.

Adigana waxa ku xusaya waa boqorrada boqorkooda Allaah. Samada ayaa magacaaga laga sheegayaa. Maxaa ka farxad badan adiga oo aanan waxba ahayn in allaah magacaaga sheego! Midka ku abuuray adiga oo aanan jirin ku siiyay nolol, cunto iyo caafimaad, haddana in uu magacaaga sheego oo malaa’igta kuugu ammaano kuna jeclaado, maxaa kaa maqan haddii uu ku jeclaado midka wax walba gacmihiisa ay ku jirto, markaas ayaad waxwalba haysataa adduunka iyo aaqiro waxaad ku noolaanaysaa Jannah. Alle wuxuu leeyahay: “Ragga inbadan Allaah xusa iyo haweenka inbadan xusa, wuxuu Alle u diyaariyay dambi dhaaf iyo ajir weyn”.

Nabigawuxuu leeyahay: “Ma idiin sheegaa camaladiina kan ugu khayr badan, uguna udgoonka badan boqorkiina agtiisa, uguna sarayn badan darajooyinkiina, idiin-kana khayr badan inaad sadaqaysataan dahab iyo qalin (lacag), kana sii khayr badan jihaadka? Waxay dhaheen: Haa noo sheeg. Waxa uu yiri Nabiga scw: “Waa xusidda Allaah.”

Qofka hela raaxada nolosha waa qof qalbigiisa ka buuxa digriga Alle iyo xuskiisa oo marwalba kaalmaysta. Sida aad u egtahay, meesha aad joogto iyo hantida aad haysato ma ahan mid go’aamisa farxadda & ku raaxaysiga nolosha. Raaxada nolosha kama timaado bannaanka, laakiin waa mid ka soo baxda qalbiga, waxa keliyah ee qalbigu ku xasilo waa dikriga Alle. Markaas ayuu noqonayaa qalbigaagu mid nool.

MORE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *